Axmed Madoobe: “Farmaajaha aan arkey dalkaan ma maamuli jirin”

Published: February 6, 2021

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuu Samareeb ayaa ka hadlay sababta keentay in shirkoodi burburay.

Axmed Madoobe ayaa si weyn u faahfaahiyey dhamaan xaaladaha wada hadalku soo marey gaar ahaan qodobka ugu adag ee doorashada Garbahaarey, waxaana uu fashilka dusha uga tuurey Madaxweyne Farmaajo oo xaaladda gaarsiiyey ayuu yiri mid beel hoose oo aanan ka hadli karin.

“Farmaajo wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, anaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo anaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara maaha, waa Nasiib darro”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubland Axmed Madobe ayaa mar kale shaki ka muujiyey sida Farmaajo dalkaan ku soo wadey waxaan uu yiri.

“Farmaajo afar sano wadankaan aan arkay isagu ma maamuleen ee yaa maamulayay”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *