Taliyihii Ciidamada Nabdsugida Dhuusamareeb Oo Qarax Lagu Dilay

Published: February 7, 2021

Taliyihii ciidamada nabadsugida magaalada Dhuusamareeb C/rashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon iyo ilaaladiisa ayaa ku dhintay qarax lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb.

Qaraxan oo lala bartilmaameedsaday gaari uu saarnaa taliyaha iyo dhowr toban kamid ah ilaaladiisa, waxaana wararku sheegayaan inay halkaas ku dhinteen ilaa 14 ruux.

Waxaa lagu soo waramayaa kadib markii uu dhacay qaraxa inuu dagaal u dhexeeya dowlada iyo Alshabaab ka bilowday deegaanka Ceeldheere.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *