Ciidamada amniga oo howlgal ka sameeyay Jowhar

Published: February 8, 2021

Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen falal amni xumo ah.

Muddada uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay labo ruux oo la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *