Senate-ka Maraykanka oo u codeeyey bilaabida Maxkamadeynta Trump

Published: February 10, 2021

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa u codeeyey xalay bilaabida kiiska loo heysto Madaxweynihii hore ee Donald Trump oo lagu eedeeyey kacdoonkii iyo weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Baarlamaanka 6dii Janaayo falkaasi oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

Golaha Wakiilada oo horey usoo gudbiyey dacwadan ka dhanka ah Madaxweynihii hore ayaa Aqalka Sare ka hor akhriyey kiiskan loo heysto Trump, iyagoo sheegay in sharciga uu fasaxayo in Aqalka Sare maxkamadeeyo Madaxweynihii hore xataa haduu xilka ka degay. Waxayna sheegeen in Trump uu qaadayo mas’uuliyada falalkii ay geysteen taageerayaashiisa oo uu ku dhiirigelinayey inay weeraraan Baarlamaanka xiligii ay socotay ansixinta natiijada Doorashadii Madaxweynaha.

Xildhibaanada Dimuquraadiga ayaa soo bandhigay filimaan laga soo duubay weerarkii 6dii Janaayo iyo sida Trump ugu baraarujiyey taageerayaashiisa inay weerarkaasi ku qaadaan Baarlamaanka.

Qareenada u doodaya Trump oo iyaguna khudbad kasoo jeediyey Aqalka Sare ayaa sheegay in kiiskan aan loo baahneyn maadaama Donald Trump uu xilka ka degay.

Senatorada Maraykanka oo gaaraya 100 ayaa cod u qaaday in kiiskan loo gudo-galo iyadoo ay 56 Xildhibaan taageereen halka ay kasoo horjeesteen 44 xildhibaan.

Dimuquraadiga ayaa doonaya in la xukumo Trump si uusan mar danbe xilka Madaxweynaha isu soo sharixin, balse waxay u baahan yihiin inay helaan taageerada ugu yaraan 17 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga arrintaasi oo aad u adag.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *