Biden iyo Xi Jinping oo ka wadahadlay xiisada u dhaxeysa Maraykanka & China

Published: February 11, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka la wareegay khadka telefonka kula hadlay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay labada hogaamiye ka wadahadleen ayaa la sheegay in diirada lagu saaray xiisada u dhaxeysa labada dal ee dhanka ganacsiga iyo waliba cadaadiska ay xukuumada Shiinaha ku heyso shacabka muslimiinta ah ee ku nool gobalka Xinjiang, caburinta shacabka Hong Kong iyo hanjabaada Shiinaha ku hayo Taiwan.

Wadahadal labada hogaamiye ayaa lagu beegay Arbacadii shalay kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu amar kusiiyey militariga Maraykanka inay soo dajiyaan qorshahooda ku aadan wadanka China iyo xiisadaha ka jira qaarada Aasiya.

Biden ayaa dhinaca kale sheegay in uu diyaar u yahay in dalka China uu kala shaqeeyo ama iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ka hortaga cudurka Covid19, cimilada isbedalaysa iyo xakameynta hubka halista ah.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *