Ciidamada Dowlada iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Raage Ceele, Sh/Dhexe

Published: February 11, 2021

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalo ciidamada militariga Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab ku dhexmaray deegaanka Raage Ceele ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Hawlgaladan ayaa yimid kadib markii kooxda Al Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen duleedka magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle.

Taliska Qeybta 27aad ee militariga Soomaaliya ayaa sheegay inay kooxda Al Shabaab ka saareen qeybo kamid ah deegaanadii ay qabsadeen asbuucyadii lasoo dhaafay ee nawaaxiga magaalada Jowhar iyo Raage Ceele.

Militariga Faah faahin dheeraad ah kama bixin maxaabiis ay sheegeen inay qabteen kooxda Al Shabaab iyo waliba khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay hawlgaladaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *