Xarumaha Al Shabaab ee Saakow oo la duqeeyey

Published: February 11, 2021

Wararka kasoo baxaya gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaaradaha dagaalka ay duqeyn ka geysteen degmada Saakow oo kamid ah dhulka ay maamusho Kooxda Al Shabaab.

Wax faah faahin ah lagama hayo khasaaraha duqeyntaasi oo la rumeysan yahay in lala beegsaday xarumaha kooxda Al Shabaab ku leedahay deegaankaasi.

Sidoo kale waxaan war rasmi ah laga heyn cida fulisay duqeynta, walow inta badan duqeynta noocaan ah ay fuliyaan diyaaradaha Drone-ka ee uu leeyahay Maraykanka.

Taliska Africom ee militariga Maraykanka ayaa sheega inay gacan kasiinayaan dowlada Soomaaliya la dagaalanka kooxda Al Shabaab iyo hoos u dhigida awooda ciidan ee kooxdaasi oo gacanta ku heysa inta badan dhulka koonfurta dalka Soomaaliya.

Gobalka Jubbada Dhexe ee ka tirsan maamulka Juballand ayaa kamid ah gobalada ay sida buuxda gacanta ugu hayaan Al Shabaab, isla markaana ay ku yaalaan saldhigyadooda ugu waaweyn.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *