Muxuu Yahay Xilka Loo Magacaabay Ilhaan Cumar

Published: February 12, 2021

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongreeska ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay gudoomiye kuxigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arimaha xuquuqul insaanka caalamka.

War ka soo baxay xafiiska xildhibaan Ilhan ayaa lagu sheegay in xilkan cusub maalintii Khamiista ahayd looga dhawaaqay Washington. Magaca guddigan ayaa ah Guddi-hoosaadka Afrika, Caafimaadka Adduunka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Ururrada Caalamiga ah.

Dowrkeeda cusub, Ilhan waxay sheegtay inay si gaar ah u danaynayso “inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda” ee Afrika.

Ilhan ayaa horay uga mid ahayd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Kongareska inkasta oo dadka dhaleeceeya ay horay ugu baaqeen in laga saarayo kadib hadalo si weyn loo dhaliilayoo ay jeedisay sanadkii 2019-kii oo ku saabsanaa saameynta siyaasadeed ee Isra’iil ku leedahay Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Horseed media translate ur comments to English or Arabic in order to understand the others users what u commenting or translate to English inorder the world tweeter user understand what u commenting shame