Turkida oo askar looga dilay dalka Ciraaq

Published: February 12, 2021

Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay waqooyiga dalka Ciraaq ayaa weerarkooda la beegsaday saldhigyada jamhada PKK ee kurdida.

Dagaaladan oo dhacay Arbacadii iyo Khamiistii shalay ayaa la sheegay in lagu dilay askar Turki ah, war kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Turkida ayaa lagu sheegay in 3 askari looga dilay dagaalka.

Balse faah faahin dheeraad ah militariga Turkida kama bixin khasaaraha guud ee dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Dohuk ee waqooyiga wadanka Ciraaq.

Ciidamada Turkida ayaa mar badan gudaha u gala wadanka Ciraaq si ay ulla dagaalamaan Jamhada u dagaalanta xoriyada shacabka Kurdida ee loo yaqaan PKK, kooxdaasi oo saldhigyo kuleh dhulka ay degaan kurdida ee waqooyiga Ciraaq.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *