Israel oo markale weerartay Saldhigyada Iran ku leedahay Siiriya

Published: February 15, 2021

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa la sheegay inay xalay weeraro ku qaadeen saldhigyo ku yaal nawaaxiga caasimada Siiriya ee Dimishiq.

Gantaalada ay rideen diyaaradahaasi ayaa la sheegay in yoolkoodu ahaa saldhigyada ciidamada Iran ku leeyihiin magaalada Kiswa oo 14km u jirta caasimada Siiriya ee Dimishiq.

Warbaahinta Dowlada Siiriya ayaa sheegtay in difaaca cirka ee dalkaasi ku guuleysteen inay soo ridaan dhamaan gantaaladii lagu soo tuuray.

Israel dhankeeda ayaa xaqiijisay inay diyaaradahooda hawlgalo fuliyeen, balse ka gaabsaday inay faah faahiyaan khasaaraha ay geysteen.

Cabdirisaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *