Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Qaybgalay Shirka Guddiga Farsamo Oo Ka Furmay Baydhabo

Published: February 15, 2021

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta aaladda fogaan aragga ka qaybgalay shirka guddiga farsamo ee qaban-qaabada shirka wadatashiga Qaran oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Raysal Wasaaraha ayaa daahfuray shirka guddiga farsamo oo kulankoodii ugu horeeyey yeelanaya, waxaana uu guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Guddigan farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo ka kala yimid dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa baaraya sababta uu ku fashilmay shirkii ugu dambeeyey ee madaxda Soomaalidu isugu timid Dhuusamareeb.

Dhanka kale guddiga ayaa shir guddoon u doortay wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, waxaana uu kulankooda kusoo aadayaa xili maanta lagu waday inuu magaalada Garoowe ka furmo shirkii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo balse ay qaadacday Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *