Rooble oo saagootiyey safiirkii hore ee Ingiriiska u fadhiyey Soomaaliya

Published: February 15, 2021

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirkii Ingiriiska u fadhiyey Soomaliya Ben Fender kaasi oo ay u dhamaatay muddaadii shaqadiisa.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriiirka ka dhaxeeya labda dal.

Safiirka Ingiriiska u joogay Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa uga mahadceliyey safiirka kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey safiirka mustaqabl wanaasgan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *