Wasiirka Caafimaadka Puntland Oo Ka Warbixiyey Xaaladda COVID19

Published: February 15, 2021

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay xaalada Covid19 ee Soomaliya gaar ahaan Puntland.

Wasiirka ayaa bulshada soomaliyeed iyo kuwa reer Puntland xasuusiyay in xanuunka uu wali si xoogan uga jiro aduunka ayna socdaad dadaalo looga hortagayo oo ay ugu horayso talaalo lasoo saaray iyo taxadar badan ayna wadamada qaar mamnuuceen dadka dalalka xanuunku ku badan yahay ka imaanaya.

“Hadaan usoo laabto Soomaliya xanuunku waxa uu markasta ahaa mid marna kacaya marna hoos udhacaya, waxaana maalmihii udanbeeyay soo baxayay in dalka uu koror jiro sida dawlada federaalka ay soo saartay balse dhanka Puntland wali waxaan isleeyahay kor ukac aan badnayn ayaa jira 2 todobaad ee la soo dhaafay waxaa la baaray 639 qof waxaana xanuunka laga helay ilaa 22 qof taasoo marka boqolay laga dhigo noqonaysa 3.4% taas oo sare ukac yar uu jiro marka loo eego bilihii la soo dhaafay.”

Wasiir Jaamac

Wasiirka ayaa ugu danbeyn ku booriyay dadka dalka imaanaya ee ka imaanaya dalalka Yurub ama America ee xanuunku ku badan yahay inay safarada aan muhiimka ahayn ka baaqdaan, hadii ay yimaadaana labada todobaad ee ugu horeeya ku jiraan guryahooda.

” Waxaa lagu wadaa in la keeno Millian iyo laba boqol oo kun (1,200,000) kaas oo dalka oo dhan loogu talagalay marka si loo eego waa tiro kooban, waxaana ugu horayn lagu bilaabi doonaa dadka caafimaadka ka shaqeeya, dadka waayeelka ah ee da’doodu ka weyntahay 65 sano iyo dadka xaaladaha xanuunada kale leh sida (Neefta, Macaanka iyo Dhiikarka), nooca talaalka ee la inoo keenayo ayaa midka ugu sareeya Aztra zeneca/Oxfoord.”

WASIIR JAAMAC

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *