Amerikaan ku dhintay duqeyn lala beegsaday Erbil, IRAQ

Published: February 16, 2021

Ugu yaraan hal qof oo heysta dhalashada Maraykanka ayaa ku dhintay duqeyn xalay lala beegsaday Madaarka magaalada Erbil ee ismaamulka Kurdida, waqooyiga dalka Ciraaq.

Duqeyntii xalay ayaa la sheegay inay dhacday 9:30 fiidnimo, waxaana la maqlayey qaraxyada waaweyn ee ka dhacay nawaaxiga Erbil International Airport.

Sadex gantaal ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga Madaarka Erbil oo ah caasimada ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq, waxaana goobta la duqeeyey ku yaal saldhig ay leeyihiin ciidamada Maraykanka.

Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta oo Salaaso ah war uu soo saaray ku cambaareeyey weerarkaasi oo uu ku tilmaamay argagaxiso, isagoona xaqiijiyey inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Amerikaanka halkaasi ku sugan oo ay ku jiraan Qandaraaslayasha iyo askarta Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *