Maxay tahay sababta Agaasimihii Maaliyadda ee Puntland isu casiley?

Published: February 16, 2021

Faysal Cabdullaahi Warsame Agaasimihii Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa xilka iska casiley, kadib markii is qabqabsi hareeyey dhanka maamulka ee Wasaaradda.

Muranka ka dhex aloosmey Wasaaradda ayaa waxaa dhexgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mar dhexdaas ah ku guuleystey in aan Faysal shaqadiisa ka tegin, laakiin mar kale dhibaatadii taagneyd dib u soo noqotay.

Wararku waxay sheegayaan in Faysal CabdullaahI Warsame go’aan ku gaarey in uu shaqada isaga tago, laakiin laga dalbadey in uu garsiiyo ilaa bisha Saddexaad ee Maarso, waxaana uu hadda ku maqan yahay fasax xanuun.

Sida warar xog ogaal ah sheegayaan waxaa Faysal ay si weyn isugu dhaceen Agaasime ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Abshir Maxamed Abshir oo siwyn ay isugu dhaw yihiin Wasiirka Maaliyadda.

Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa muddo dheer wasaaradda Maaliyadda ee Puntland ka soo shaqeeyey gaar ahaan barnaamijka PFM qaybta IT-da ee baanka Adduunku maalgeliyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *