Sacuudiga oo amar kusoo rogay Shirkaddaha Shisheeye

Published: February 16, 2021

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay laga bilaabo sanadka 2024 aysan wax qandaraas ah siin doonin shirkaddaha Shisheeye ee aan fadhigooda hay’an wadanka Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in laga bilaabo 1 Janaayo 2024 qandaraasyada dowlada ay siin doonto oo kaliya shirkadda Shisheeye ee xaruntooda gobalka ka sameysta gudaha wadanka Sacuudiga.

Arrintan ayey dowlada Sacuudiga uga danleedahay inay ku cadaadiso shirkaddaha caalamiga ah ee Qandaraaska ka qaata hay’adaha dowlada Sacuudiga ay xaruntooda Gobalka ka dhigtaan gudaha wadankaasi.

Go’aankan ayaa la doonayaa in lagu abuuro shaqooyin cusub oo ay helaan shacabka Sacuudiga, isla markaana laga hortago lacagta adag iyo dhaqaalaha ka baxaya wadanka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa sidoo kale doonaya in uu ku khasbo shirkaddaha waaweyn ee caalamka inay xarumahooda gobalka Barigga Dhexe ay ka dhigtaan Sacuudiga oo aysan fariisin ka dhigan dalalka kale ee Khaliijka.

Dhawaan ayey sheegeen 24 shirkadood oo calaami ah inay qorsheenayaan in xarumahooda gobalka ay ka sameystaan wadanka Sacuudiga.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah Mashruuca 2030 ee uu hogaanka u hayo Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo doonaya in la sameeyo shaqo abuuro isla markaana dowlada Sacuudiga hoos u dhigto dakhliga ay hada ku tiirsan tahay ee laga helo batroolka.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *