Baydhabo: Guddiyada Farsamada ee Federaalka & Dowlad Gobaleedyada oo War-saxaafadeed soo saaray!

Published: February 17, 2021

Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo geba-gabeeyay shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyaga oo sheegay inay gaareen heshiis la xiriira dhanka doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiyada oo ka kooban 14 Xubnood ayaa ka hadlayay caqabadaha heysta doorashooyinka Soomaaliya maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana ay soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban Shan qodob, kuwaas oo kala ah.

1: Cabasho laga muujiyay Guddiga Doorashada ay dowladda Magacaawday.

2: Xal u helida guddiga dooraashada Somaliland.

3: Xaalada Gobolka Gedo.

4: Adkeynta Qoondada Haweenka.

5:Jadwalka Qabsoomida Doorashada.

Dhamaan shanta qodob oo ay soo saareen guddiga ayaa waxaa loo gudbiyay madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada si ay uga tashadaan, kadibna ay soo saaraan, iyaga oo wada jira inay isku raaceen qodobada ay soo diyaariyeen guddiyadan.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa ku baaqay in berri oo taariikhdu tahay 18-02-2021 Madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday ee Dowlada Federalka, Dowlad Gobeedyda iyo Gobolka Banaadir shir deg deg ah ay isugu yimaadaan, in kastoo aysan shaacin halka rasmiga ah ee shirkaasi lagu qabanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *