Boosaaso: Ciidamada PSF Oo Qaraxyo Qabtay

Published: February 17, 2021

Ciidamada Difaaca iyo la dagaalanka argagaxisada Puntland ee PSF ayaa hawgalo ay ka fuliyeen magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso, waxay kusoo qabteen qaraxyo ay diyaarinayeen kooxda Alshabaab.

War kasoo baxay taliska ciidamada PSF ayaa lagu sheegay inay ciidamadu hawgalka fuliyeen kadib markii ay heleen warbixino ku aadan falal argagaxismo oo ay maagan yihiin kooxda Alshabaab.

” Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso, iyada oo ay ciidanka PSF heleen warbixino ku aadan falal argagixisanimo oo ay damacsan yihiin Al Shabaab,waxayna ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *