Dowlada Soomaaliya Oo Soo Rogtay Amaro Ku Saabsan COVID19

Shir ay isugu yimaaddeen Wasiirada Wasaaradaha qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka COVID19 oo uu shir guddoomiyey Raisal Wasaaraha JFS Maxamed Xuseen Rooble  Warbixin dhammaystiranna lagaga dhegeystay bahda caafimaadka oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur iyo khabiirka caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo xaqiijiyey in cudurkii COVID-19 oo si xowli ah ugu fidiyo bulshada.

Wasiirka caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur ayaa warbaahinta u sheegtay in 48 saac ka yar ay cisbitaalka Martiini ku dhinteen 15 qof, waxayna sheegtay inay muhiim tahay in talooyinka caafimaadka la raaco.

Wasiirka warfaafinta Cusmaan Abukar Dubbe ayaa isna sheegay in dawladda go’aamisay dhowr tallaabo oo ay ka mid yihiin in la fasaxay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda marka laga reebo kuwa ma huraanka ah, iyo in la joojiyey isu imaatinnimada. Waxaa sidoo kale uu wasiirku sheegay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmin ay xirtaan af-saar, in la joogteeyo kala fogaanshaha iyo in la yareeyo isku socodka gobollada iyo safarrada laga maarmi karo.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubay Jimcaale oo isna ka jawaabayey su’aal ay warfidiyeenku ka weydiiyeen bannaanbaxa maalinta Jimacaha ka dhacaya Muqdisho ayaa sheegay inaan lagala soo xiriirin bannanbaxa, waxaase uu sheegay inay ka mid yihiin isu imaadka guud.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media