Israel oo horjoogsatay Daawada Talaalka Covid19 oo loo waday Gaza

Published: February 17, 2021

Maamulka Israel ayaa horjoogsaday Daawooyinka Talaalka Covid19 oo lagu waday in la geeyo magaalada Gaza, maamulka Xamaas ee Gaza ayaa falkan ku tilmaamay mid ka horimaanaya xaquuqul Insaanka.

Dowlada Falastiin oo dhawaan lasoo gaarsiiyey daawada Talaalka Covi19 oo uu Ruushka soo saaray oo loo yaqaan Sputnik-5 ayaa dooneysay in 2000 oo daawadan ah gaarsiiso dadka ku nool magaalada Israel go’adoonka gelisay ee Gaza, balse waxaa la sheegay inay ciidamada Israel u diideen gaadiidkii daawada waday inay galaan magaaladaasi.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Israel ee maamula dhaq dhaqaaqa gaadiidka taga Gaza ayaa sheegay in codsigan soo gaaray balse aysan weli heysan amar uga yimid Madaxdooda.

Maamulka Falastiin ayaa ugu baaqay Hay’ada Caafimaadka ee Dunnida WHO inay cambaareyso falkan ay ku kacday Israel.

Dowlada Falastiin ayaa Isniintii dhulka Daanta Galbeed oo ay maamulaan ka bilaabay qeybinta daawada Talaalka Covid.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *