Masar oo waraaqaha-aqoonsiga ka guddoontay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar

Published: February 17, 2021

Ilyaas Sheekh Cumar Abu Bakar, Danjiraha dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar, sidokalana ah wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Saamix Shukri.

Ugu horeeyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna  u  gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo  sidoo kale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne  Cabdel Fataax Al-Sisi.

Kulanka  kadib ayuu safiirka Soomaaliya  ee Masar sheegay in uu waxbadan ku soo kordhin doono  xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya  shacabka iyo madaxda  labada dal.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa horay u soo noqday Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *