Qardho: 566 Askari Oo Boolis Ah Ayaa Tababar Loo Furay – VIDEO

Published: February 17, 2021

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay wehliyaan taliyaha guud ee ciidamada booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen iyo guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir ayaa maanta tababar u furay dufcadii seddexaad ee ciidamada booliska Puntland oo lagu tababarayo dugsiga tababarada ciidamada xorgoble ee magaalada Qardho.

Ciidamadan oo kor u dhaafaya 500 askari ayaa laga kala keenay gobolada iyo deegaanada Puntland gaar ahaan gobolada Sool, Nugaal iyo Gardafuu sida uu sharaxayo taliyaha Dugsiga Xorgoble Burhaan Axmed Caanood.

Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taliyaha guud ee Ciidamada booliska iyo guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ka faa’ideysataan fursaddan ay heleen.

Dugsiga Tababarada Xorgoble ee magaalada Qardho ayaa labadii sanno ugu dambeeyey waxaa kasoo baxay dufcado kala duwan oo ciidamada Puntland sida Daraawiish iyo Boolis.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *