Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada Wadan

Published: February 17, 2021

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Shiinaha siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga labada dhinac.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Amb.Qin Jian, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashi labada dal.

Kulankani oo uu goobjoog ka ahaa Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray horumarada laga sameeyay, iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinac kastaba leh, iyadoo sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada Dal.

Wadanka China ayaa kamid ah dalalka xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo xiligan ill gaar ah ku haya xaalada Soomaaliya iyo dib u dhaca ku yimid doorashada Baarlamaanka & Madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *