AMISOM Oo Lagu Amray Inay Dhexdhexaad Ka Noqdaan Xaalada Muqdisho

Published: February 19, 2021

Midowga Afrika ayaa oo war kasoo saaray rabshada Muqdisho ayaa amray Ciidamada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya inay dhexdhexaad ka noqdaan xaaladda uu ku jiro dalka.

Warqad kasoo baxday midowga afrika ayaa lagu amray inay ciidamada Amisom inay yareeyaan dhaqdhaqaaqa isla markaana dhexdhexaad ka noqdaan rabshadaha ka socda Soomaaliya.

AMISOM ayaa sidoo kale la amray inay ku shaqeeyaan awoodaha la siiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka tirsan AMISOM iyo meelaha ay ilaaliyaan sida Villa Somalia, haddii awood laga maarmi waayana ay awood macquul ah adeegsadaan.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *