Ciidamada Dowlada oo rasaas la beegsaday Banaanbaxyaasha Muqdisho oo ay hogaaminayeen Murashaxiinta Madaxweynaha – Video

Published: February 19, 2021

Rasaas xoogleh oo goordhaweyd ka dhacday nawaaxiga KM4 ayey ka badbaadeen tiro kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo horkacayey banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Illaa iyo hada waxaa si dhameystiran loo ogeyn khasaaraha ka dhashay shaqaaqada maanta ka dhacday qeybo kala duwan oo kamid ah caasimada Soomaaliya.

Murashaxiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Khayre iyo Cabdikariim Guuleed ayaa kamid ahaa murashaxiin hogaaminaysay shacab kasoo raacay nawaaxiga Hotel Jazeera, kuwaasi iyagoo lugeenaya si lama filaan ah ulla kulmay rasaas culus oo ay ciidamada dowlada ee ku sugnaa KM4 ku riddeen shacabka banaanbaxayey oo ay ku jireen xildhibaano.

Rasaastan ayaa muddo dheer socotay iyadoo ay ku jireen hubka culus ee gaadiidka tiknikada ah. Waxaana la sheegay in rasaastaasi culus ay gaartay dhanka Madaarka Muqdisho oo qeyb kamid ah dab qabsaday.

Xalay ayuu dagaal kale ku dhexmaray nawaaxiga Hotel Maida ciidamada dowlada iyo illaalada Madaxweynayaashii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif oo Hotelkaasi u degay si ay uga qeyb galaan banaanbixii la qorsheenayey in maanta lagu qabto Taalada Daljirka Daahsoon.

Ciidamada Dowlada oo ku hubeysan gaadiidka qafilan iyo kuwa Tiknikada ayaa xiray wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa taga Dajirka.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *