DFS: “Maleeshiyaad Hubaysan Ayaa Weerar Kusoo Qaaday Ciidamada”

Published: February 19, 2021

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal culus oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taaladda daljirka daahsoon kaasoo u dhexeeya dowlada iyo ciidamo taabacsan midowga musharaxiinta.

Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa qoraal uu soo dhigay internetka wuxuu ku sheegay inay maleeshiyaad hubaysan caawa weerar ku qaadeen baraha kontrool ee ciidamada qalabka sida.

Dhanka kale madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan iyo Shariif oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho ayaa ciidamada dowlada ku eedeeyey inay weerar kusoo qaadeen hotelka ay daganaayeen isla markaana uu soo amray madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka akhriso:

” Maleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.

Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.

Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa. Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa.”

Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jumcaale

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *