Kheyre: ” Weerarka Caawa Waa Bilowga Xukun Isku Dhajinta Ee Aan Ka Digaynay”

Published: February 19, 2021

Raysal Wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ku sheegay inay Ciidanka dowladda weerar ku soo qaadeen hotel Maida oo ku sugan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Kheyre ayaa sheegay inay talaabadani ahayd midii ay muddo hore ka digeen taasoo ah bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhejinta ah, wuxuuna ciidamada dowlada ugu baaqay inay shaqadoodu tahay sugida amniga balse ay caawa sameeyeen talaabo qaldan.

Hoos ka akhriso:

Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ee aan ka digeynay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Waana ibafurka farriimahii xambaarsanaa dhiilada colaadeed ee maalmihii tagay kasoo yeerayay hey’addaha dowlada ee muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhamaaday.

In mas´uuliyiin iyo shacab Soomaaliyeed weerar toos ah oo xabado loo adeegsaday lagu qaado, naftooda iyo maalkoodana halis la galiyo, si looga hor istaago ku muujinta dareenkooda si nabad ah, iyaga oo gudanaya waajibkooda muwaadinimo iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, waa arrin si xilkasnimo la’aan ah loogu bareeray in masiirka dalka lagu burburiyo.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *