Puntland Oo Ku Baaqday Inaan Dhiig Loo Daadin Kala Aragti Duwaan Siyaasadeed

Published: February 19, 2021

Dowlada Puntland oo caawa war kasoo saartay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa sheegtay inay tahay wax laga xumaado, iyadoo la rabo inay doorasho dalka ka dhacdo.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa eed kulul dusha looga tuuray ciidamada qalabka sida kuwaas oo ay sheegeen inay hormuud u noqdeen falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni darro ka bilaabata dalka.

Puntland ayaa ugu baaqday dhinacda ishaya iyo dhamaan masuuliyiinta dalka inay maskax ku shaqeeyaan oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed, iyadoo lagu xalin karo qaabab kale.

Hoos ka akhriso:

Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaaladda Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaaladda Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *