Ururada Bulshada Rayidka Oo Nasiib Darro Ku Tilmaamay Xaalada Muqdisho

Published: February 19, 2021

Isutaga ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay xasilooni darrada ka jirta magaalada Muqdisho kadib iska hor imaad xalay iyo saaka ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa mucaaradka.

War qoraal oo kasoo baxay ururada bulshada rayidka ayaa lagu sheegay inay ka horjeedaan wax walba oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xuquuqda muwaadinka, waxay xuseen inuu sharcigu ogol yahay banaanbaxyo nabadeed.

“Waxaan ka xunahay wixii ka xalay iyo maanta ka dhacay Muqdisho. Waxaan tacsi u diraynaa intii ku dhimatay, sidoo kale intii ku dhaawacntay waxaan ilaah ugu baryaynaa inuu caafimaad buuxa siiyo.”

Bulshada Rayidka

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *