Xasan Shiikh: “Waxaa Nasoo Weeraray Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaaday”

Published: February 19, 2021

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya kana mid ah midowga musharaxiinta Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inay caawa weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladu hotelka Maa’ida ( Ex Naasahablood2) ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu Xasan Shiikh soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu kaga hadlay dagaal caawa ka dhacay hotelka ay Muqdisho ka dagan yihiin isaga iyo madaxweynihii hore Shiikh Shariif kaasoo u dhow daljirka Daahsoon.

” Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & madaxweynihii hore shiikh shariif. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan “

Xasan Shiikh

Wali ma jirto cid dowlada ka tirsan oo ka hadashay dagaalka ka dhacay hoteelka ay dagan yihiin musharaxiinta oo aan sidaas uga fogayn madaxtootada Soomaaliya.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili caawa taabacsan mucaaradka oo uu hogaaminayo General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhocadde ay la wareegeen taaladda daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo berri la filayo inuu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Dr Mohammed Saleh Ali (cugaar qardho boy) wanu ayidnay dareenka shacabka xamar musharixiinta waxaa kujira ex. President Sheikh Sharif oo kaadhigay pm rasalwasaare (farmaajow) hanoqon u my shop fishes iloowday. S Y L. Gudoomiye Dr. Cugaar saalax cali. Musharaxa xisbiga was Ex. PM Sen. Dr Cumar. C/Rashid cali sharmaarke (Hobyo boy) eng. Shiikh C/qani maxamed cali degree(Shiikh qardhaawi.MN. U S A) wabilaahi towfiiq. Salaadi subbed baataagan