Jubbaland Oo Dowlada Federaalka Ku Amartay Inay Raaligelin Ka Bixiso Rabshadaha Muqdisho

Published: February 21, 2021

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa war kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, rabshadihii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dhacaya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in Maamulka uu fahamsan yahay muhiimada ay leedahay in dalka laga qabto doorasho loo dhan yahay, isla markaana ku saleysan hufnaan, xor iyo xalaal ah, ayna Jubbaland ka qeyb gashay shirar looga hadlaayay xal u helida doorashooyinka.

Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhmmaaday ugu baaqday inay garawshiyo iyo raalli gelin ka bixiso tallaabadii lagu weeraray Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *