IRAN oo khubarada UNta u ogolaaday kormeerida xarumahooda Nukliyeerka

Published: February 22, 2021

Dowlada Iran iyo hay’ada Nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay IAEA ayaa heshiis ku gaaray in kormeerayaasha caalamiga ah ay tagi karaan xarumaha Nukliyeerka ee dowlada Iran.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiiskii hore ee xakameynta barnaamijka Nukliyeerka Iran walow ay Iran hoos u dhigtay awoodii kormeerayaasha Caalamiga ah kadib khilaafkii soo dhexgalay xukuumadii hore ee Maraykanka iyo xukuumada Iran.

Iran oo xiligan dardar gelisay barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa dhinaca kale dooneysa in laga qaado cunaqabateynta saaran, waxayna hada u ogolaatay hay’ada IAEA in sadexda bilood ee soo socda kormeerayaashooda tagi karaan xarumahooda Nukliyeerka.

Madaxa IAEA, Rafael Grossi oo shalay dib uga soo noqday safar uu ku tagay Tehran ayaa warbaahinta u sheegay in heshiiskan uu yahay mid uu soo dhaweenayo.

Dowlada cusub ee Maraykanka oo uu hogaamiyo Joe Biden ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in dib loo dhaqan geliyo heshiiskii uu horey u burburiyey Donald Trump, balse shardi uga dhigay Iran inay marka hore joojiso dardargelinta barnaamijkeeda nukliyeerka, halka Iran shardi uga dhigtay joojinta hawlaheeda nukliyeerka in marka hore la qaado cunaqabateynta saaran oo burbur xoogan u geysatay dhaqaalaha wadankaasi.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *