James Swan oo weli rajo ka qaba hirgelinta Heshiiskii 17 September

Published: February 22, 2021

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan oo warbixintiisa u gubiyey kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya iyo Doorashada la isku khilaafsan yahay.

Swan ayaa warbixinta uu Golaha Amaanka u gudbiyey ku sheegay in wadada kaliya ee lagu xalin karo muranka Siyaasadeed ee jira uu yahay in la dhaqan geliyo lana xaliyo qodobada heshiiskii 17kii September oo ay wada gaareen madaxda Xukuumada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

“…Waxaan marnaba la aqbali doonin Doorashooyin gaar gaar ah oo la qabto oo aan la isku waafaqsaneyn..”

James Swan

Dhinaca kale James Swan ayaa ka digay in awood la isu adeegsado isagoo sheegay inay taasi keeni doonto colaad.

Villa Soomaaliya ayaa maanta war ay soo saartay ugu baaqday Puntland iyo Jubbaland inay kasoo qeyb galaan shirka Muqdisho oo ay hada ku sugan yihiin hogaamiyayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Beesha Caalamka gaar ahaan xafiiska UNSOM iyo Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii loo hirgelin lahaa shir lagu dhameystiro heshiiskii 17 September, hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa khudbadiisii xalay ku sheegay in dhamaan qodobadii la isku hayey uu diiday Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dhanka Jubbaland ayaa iyaguna 5 qodob ku xiray shir danbe oo ay la galaan Xukuumada wakhtigeeda dhamaaday iyo Villa Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu horey u burburiyey balamadii la galay.

AMISOM

Golaha Amaanka oo afartii bilood mar ka shira xaalada Soomaaliya ayaa fadhigoodan maalmaha soo socda lagu wadaa inay dib u cosbooneysiiyaan hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo wakhtigooda ku egyahay 28ka bishan Feberaayo.

Dhanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa fadhigan Golaha Amaanka horkeentay codsi ah in listiga Cunaqabateynta lagu daro qaar kamid ah Hogaamiyayaasha Al Shabaab oo ay kamid yihiin Abukar Ali Adan, Maalim Ayman iyo Mahad Karate.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *