Wasaaradda Qorsheynta XFS oo gaadid ku wareejisay qaar ka mid ah Hay’addaha Dowladda

Published: February 22, 2021

Wasaaradda Qorsheynta Maagashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maanta gaadiid ku wareejisay  wasaaradaha Maaliyadda, Xannaada Xoolaha iyo Xafiiska Deeegaanka ee hoos taga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Wareejinta gaadidkaan oo ah shan (5) gaari ayaa qayb ka ah hirgalinta mashruuca Biyoole oo si habsamileh uga socda Maamul Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed, halka Soomaliand  la filayo in uu ka dhaqan gali-doona  mustaqbalka dhow Mashruuca Biyoole.

Waxaa hada lasoo  gebo-gabeey wajiga 1-aad oo dhinac Puntland oo 6 goobaad oo biyo celin laga samaynayo iyo afar goon-biyood oo la dayac tirayo. Halka Galmudug iyo Koofur Galbeed ay mar dhow la ambaqaadi doono  asteenta goobaha biyo celinta laga samaynayo.

Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda  Qarheynta Qaranka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa ku wareejiyay mas’uuliyiinta Hay’adahan kor ku xusan gaadiidka qaybtii ay lahaayeen, asagoo carrabka ku adkeeyey in mashruuca Biyoole hirgalintiisa oo hada si xawli leh ku socda, Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay laga  marxaladahii iyo heerar kala m gedisan eebow soo maray, maantana uu kaalin weyn ka qaatay dhanka shaqo abuurka, xoojinta hay’adaha Dowligaa iyo horumarinta biyaha.

Ujeedka  aan ka leenahay Mashruucan  waa horumarinta biyaha, iyo xoojinta tayada  hay’adaha dowladda, si wax ku ool ahna aan uga faa’iideysano roobabka isla mar ahaantaas ceshano  biyaha togaggu wadaan xilliyada roobka.

Waxaa sidoo kale wax laga qaban doonaa baahida biyaha deegaannada aan toggagga lahayn balse leh fursad biyo celin ama biyo soo saarid, tasoo ahmiyadd u leh umaddeena.

Mashruuca Biyoole ayaa tusaale u noqan-doona  mashaariicda laga hirgeliyo Soonaaliya maadaama laga gaaray guulo hordhac ah oo ku aaddan waxkaqabadka baahida horumarineed ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradad Qorsheynta Qaranka ayaa u mahadceliyey dhiggiisa Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Saleebaan Cumar  kaas oo la’aantiis ayna dhacdeen shaqooyinka qabsoomay, iyo guulaha laga gaaray Mashruuca Biyoole hirgalintiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *