Jubbaland: Amniga Muqdisho la iskuma haleyn karo!

Published: February 23, 2021

Wasiirka Warfaafinta ee Jubbaland ayaa ka hadlay sababta ay dhankooda uga gaabsadeen inay ka qeyb galaan shirka Villa Soomaaliya ku baaqday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Cabdi Xuseen Shiikh Maxamed oo saaka wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in shirka lagu qaban karin goob aan amni ahayn, kadib weerarkii ciidamada Dowlada ku qaadeen shacabkii iyo murashaxiinta banaanbaxa dhigayey 19kii bishan, isagoo sheegay in dowlada aysan weli arrintaasi wax raali gelin ah ka bixin.

“…Diyaar baan u nahay in aan ka qeyb galno shir walba oo lagu qabanayo goob amni ah…Xaalada Xamar ma sugna, waxaa la weeraray murashaxiinta banaanbaxa nabadeed dhigayey…maaha meel la isku haleyn karo meel fal noocaas ah ka dhacayo maaha meel shir lagu qaban karo…Ciidankii Qaran ayaa loo adeegsaday Shacabka….”

Shirka wuxuu u baahan yahay meel amni ah oo ay Beesha Caalamka joogto, dhacdadii 19kii Feberaayo baa weli dhiigeeda qoyan-yahay, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Villa Soomaaliya ayaa Isniintii shalay soo saartay baaq ay u dirtay Puntland iyo Jubbaland oo ay ka codsaneyso in ay kasoo qeyb galaan shirka Muqdisho si loo dhameystiro heshiiskii 17 September dhaqangelintiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *