Tiradda Dhimashada Covid19 ee Maraykanka oo gaartay 500-kun qof

Published: February 23, 2021

Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka ayaa xalay lagu qabtay xus kooban oo lagu xasuusanayey 500.000 qof ee wadankaasi ugu dhintay cudurka halista ah ee Covid19, tiraddan oo ah tii ugu badeyd dalalka Caalamka ee uu cudurkaasi ku faafay.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in xuskan ay muujineyso murragada dalka Maraykanka ka jirta isagoo sheegay in khasaaraha cudurkaasi uu dalkaasi ka geystay ay taabtay dhamaan shacabka Maraykanka.

Xukuumada cusub ee Joe Biden ayaa la tacaaleysa sidii loogu guuleysan lahaa qorshahooda lagu xakameenayo faafida cudurkaasi oo lagu eedeeyey xukuumadii hore Trump inay ka gaabisay wax ka qabashadiisa.

Maamulka cusub ee Maraykanka ayaa hada xooga saaraya sidii loo wada gaarsiin lahaa shacabka Maraykanka talaalka ka hortaga cudurka Covid19 si hoos loogu dhigo tiradda dadka cudurkaasi u dhimanaya iyo waliba tiradda dadka isbitaalka loo jiifiyo.

Joe Biden ayaa balanqaaday in yoolkiisa uu yahay sidii 100 milyan oo qof oo ku nool dalkaasi loo talaali-lahaa 100 maalmood ee ugu horeysa intuu xilka qabtay.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *