Trump oo lagu amray inuu la shaqeeyo Xeer illaalinta New York oo dacwadiisa gacanta ku heysa

Published: February 23, 2021

Maxkamada Sare ee Maraykanka ayaa amar ku bixisay Madaxweynihii hore Donald Trump inuu xogta hantidiisa iyo canshuurtii uu bixiyey ku wareejiyo Xeer illaalinta Maamulka New York oo gacanta ku haya Kiiska dacwadaha lagu soo oogay Trump.

Donald Trump ayaa intuu xilka hayey diidanaa inuu xogta hantidiisa shaaciyo, wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo si cad u diida inuu shaaciyo hantidiisa isagoo horey loogu eedeeyey lunsasho canshuuraha lagu lahaa shirkadihiisa.

Trump oo xilka ka degay 20kii Janaayo ayaan hada heysan xasaanada uu isaga difaaci karo dacwadaha lagu soo oogay, go’aanka Maxkamada Sare ayaa waji-gabax ku ah Madaxweynihii hore oo isagu intuu xilka hayey magacaabay 3 kamid ah 9ka Garsoore ee Maxkamada ugu sareysa dalkaasi.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *