Wasiirka Arrimaha Dibadda: Heshiiskii 17-kii September waa heshiis taagan oo u baahan in la fuliyo!

Published: February 23, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb: Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta Dowladda uga warramay Kulankii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in shirka si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha Doorashada iyo bini-adanimada Soomaaliya, isagoo jeediyay warbixin dhinacyo badan taabaneysay.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa xoojiyay in ay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September, taas oo horseedeysa in la gaaro doorasho loo dhan yahay.

“ Arrinkan markii ugu horeysay ma ahan meelo kala duwan baan kaga soo hadalnay heshkiiskii 17-kii September waa heshiis taagan una baahan in la fuliyo,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada.

Waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *