Xukuumada Federaalka oo ka digtay Banaanbaxa Murashaxiinta

Published: February 23, 2021

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay markale ka digeyso in la qabto isu soo bax dadweyne, maadamaa uu dalku wajahayo xaalado cusub oo cudurka COVID-19 ah.

Wasiirka oo suxufiyiinta kula hadlayay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda aysan ogolaan doonin in la qabto isu soo bax dadweyne, isla markaana ay dowladda soo jeedineyso in la yareeyo isu imaatanka dadweynaha, maadaama COVID-19 uu markale soo labo kacleeyay, isagoo intaa ku daray shirka Golaha Wasiirada lagu qabto qaab online ah.

“Qatarta caafimaad ee dalka ka jirta waad ka warqabtaan, maalin kasta waad maqleysaan qeylada ambalaasta, taasi waxa ay nagu sii adkeyneysaa in la sii yareeyo isu imaatanka, in la sii yareeyo waxkasta oo dadku isu keeni kara, si qatarta caafimaadka ay u yaraato” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa xusay in sidoo kale dhagarqabayaashu ay bilaabeen inay carqaladeeyaan amniga, oo ay tuuraan jaakad laga soo buuxiyay walxaha qarxa, isagoo xusay in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen.

“Mas’uuliyad ayaa naga saran bulshada oo ma dhihi karno meel ha isugu timaado, sida waalidka uu uga wal walo carruurtiisa ayaa anagana uga wal waleynaa in bulshada ay waxyeelo soo gaarto, banaan bax nuuc kasta ha noqdo, waa mamnuuc dowladda ma ogola, mana ogolaan doonto” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka amniga.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay markasta diyaar u tahay inay wada hadal la qaadato cidkasta oo qabta tabasho, si xal looga gaaro tabashadooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *