Mowqifka Puntland Ee Xaalada Doorashooyinka Dalka

Puntland ayaa habeenkii xalay soo saartey qoraal dheer oo ay ku caddeyneyso aragtida ay ka qabto doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale waxaa qoraalka lagu caddeeyey arrimo muhim ah in la sameeyo haddii la doonaayo in dib loola fariisto Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aragtida Dowladda Puntland ee Xaaladda Doorashooyinka Soomaaliya


Dowladda Puntland, iyadoo tixgalinaysa xaaladda cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya, waxay ugu horraynba caddaynaysaa inay mar kasta door mug leh ka qaadanayso xal-u-helidda arrimaha lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka, iyacioo laga duulayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Labadii sano ee ugu dambeeyay, Puntland waxay door hagar la’aan ah ka qaadatay dedaaladii lagu raadinayay in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah, oo natiijada kasoo baxda lagu wada kalsoonaan karo. Si looga miro dhaliyo dedaaladaas, Puntland waxay martigalisay shirkii wadatashiga ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah ee ku qabsoomay Garowe Bishii April 2019, waxay sidoo kale qayb ka hayd qabsoomida shirarkii isdaba jooga ahaa ee Dhuusamareeb 1, 2, 4 iyo shirkii Muqdisho ka qabsoomay Bishii September 2020.

Puntland waxay taageersan tahay hirgalinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September iyo habraacyadiisii. Waxayna sidoo kale xeerinaysaa talo-soo-jeedintii guddiga farsamada ay ka soo saareen magaalada Baydhabo, 16-kii February, tasoo saldhig u noqan karta xal ka gaarista qodabadii lagu isku khilaafsanaa ee hirgalinta heshiiska doorashada.

Hadaba, waxaa jira caqabado soo ifbaxay oo hortaagan hirgalinta heshiiska doorashooyinka, kuwaas oo ay lagama maarrnaan tahay in la xalliyo si loo sii amba qaado geedi-socodka qabsoomidda doorasho loo dhan yahay. Caqabahaas oo kala;

I. Dhacdooyinkii ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho 19-kii February. waxay abuureen kalsooni-darro siyaasadeed, mid amni iyo mid bulsho, kuwasoo wiiqay guulihii laga gaaray wada-tashiyadii socday ee marxaladda kala guurka ah. Falalkii dhacay waxay liddi ku ahaayeen xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed uu siinayo Dastuurka KMG ah ee dalka, sida xorriyadda banaanbaxa, hadalka iyo soo bandhigidda aragtida siyaasadeed.

II.Madaxda Dowladda Federaalka ah oo caqabad ku noqday fulinta heshiiskii doorashooyinka ee 17ka September iyo habraacaydiisa, waxayna si cad usoo ifbaxday muddadii lagu gudo jiray wada-xaajoodayada shirkii Dhuusamareeb 3-6dii February 2021, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ka saf ray magaalada Dhuusamareeb iyadoo wax xal ah aan laga gaarin qodabadii la isku khilaafsanaa.

Qodabada muhiimka u ah hirgalinta heshiiska doorashada ee 17 September.

lyadoo laga duulayo maraxaladda dalka ka soo cusboonaatay 19-kii February, iyo xasillooni darrada ka dhalatay dhammaadka muddo-xileedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la meel mariyo qodobadaan soo socda si horay loogu sii amba-qaado wada-tashiyadii doorashooyinka.

  1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa in uu soo saaro wareegto xadedaysa awoodaha fulineed ee Madaxweynahya iyo kuwa sharci-dajineed ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya. Sidoo kale waa in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii masiiriga ah ee Madaxweynuhu saxiixay intii ka dambaysay 8da Feb 2021 iyo shuruucdii ay Baarlamaanku ansixiyeen muddadii ka dambaysay 27kii December 2020, Si waafaqsan qodabada 91-aad iyo 60-aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya.
  2. Maadaama CiidankA Amniga Qaranku ay ka qayb qaateen falalkii qalalaasaha watay ee Muqdisho ka dhacay 19-kii February, waa in xilka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Booliiska iyo Agaasirnaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, lana magacaabo masuuliyiin lagu kalsoonaan karo laguna soo xulay hab wada-tashi ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo dhex-dhex-aad-nimada doorashooyinka, waa in Ciidanka Qaranku ku ekaadaan keliya waajibaadkooda ah sugida amniga lagana dhex saaro howlaha siyaasadda iyo doorashada, si loo soo celiyo kalsoonidii dhaawacantay.
  3. In la dhiso guddi xaqiiqo raadin ah, oo baaritaan madax-banaan ku sameeya dhacciooyinkii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19-kii Bisha Februery, si la iskula xisaabtamo.
  4. Madaama, Dowladda Federaalku ay ku guul-darraysatay fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, waa in saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay qaataan door damaanad-qaad ah, si loo hubiyo fulinta qodobada lagu heshiiyo ee Doorashooyinka.

5. Waxaa muhiim ah in Golaha Wada-tashiga Qaranku ay yeeshaan hab wadashaqayn joogto ah oo wakhtiyeysan si loo dardargaliyo qabsoomida doorashooyinka Dalka.

  1. Waa in Saamilayda siyaasadda iyo Ururacia Bulshada laga qaybgeliyo loona ogalaado inay ka qayb qaataan xal-u-helidda arrimaha ka taagan doorashooyinka, si loo xoojiyo kalsoonida iyo daahfurnaanta doorashooyinka.
  2. In la dhowro xuquuqaha aasaasiga ah ee Dastuurku siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed sida xuquuqda hadalka, bannaanbaxyada, Kulamada IWM, si looga fogaado xasilloni-darro siyaasadeed iyo qalalaase amni.
  3. Si loo dardargaliyo qabsoomidda doorashada, waa in shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka lagu qabto magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, goob ammaan ah oo amnigeeda ay sugayaan ciidan lagu wada kalsoon yahay.
    DHAMMAAD