Prof.Cabdi Samatar: Villa Somaliya waxay lunsatay Lacag Maraykanka ugu deeqay Puntland & Jubbaland – VIDEO

Published: February 24, 2021

Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa wareysiga uu bixiyey uga hadlay arrimo badan gaar ahaan khilaafka caqabada ku noqday doorashada Federaalka Soomaaliya.

Prof.Cabdi Samatar oo la hadlayey telefishinka Somali Cable ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada uu murranka ka taagan yahay ee Doorashada, gaar ahaa wax yaabaha ay tabanayaan dadka kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) oo dhaliilsan qaabka la doonayo in lagu maareeyo doorashada xildhibaanada gobaladaasi ka imaanaya.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay qaabka khaldan oo ay Xukuumada wakhtigeeda dhamaaday ulla macaamileyso mucaaridka, sida adeegsiga ciidamada Qaranka.

Prof.Cabdi oo dhanka kale ka hadlayey heerka uu musuq-maasuqa gaaray ayaa soo hadal qaaday deeqo badan oo ku maqan madaxda Dowlada Federaalka, isagoo tusaale usoo qaatay deeq dhawaan Maraykanka ugu talo galay Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya.

“…Waxaa deeqdii lacagtaasi loo diray, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, balse lacagtii Puntland & Jubaland kalabar jeebka ayey ku riteen (Villa Soomaaliya)…”

Wuxuuna intaasi ku daray in arrintan ay u xaqiijisay Safaarada Maraykanka.

Xukuumada Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horey loogu dhaliilay cunaqabateyn ay saareen Jubaland, halka Villa Soomaaliya ay caqabado badan ay hordhigtay Puntland sida shahaadooyinka ardayda & mashaariic horey uga socday Puntland oo ay kamid ahayd dhismaha dekada magaalada Garacad.

Hoos ka daawo wareysiga Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar:

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Professor aad ayuu noo deeqsiiyey hadalkiisa iyo fekerkiisa, aragti dheeri iyo hufnaanna waa ka muuqataa ee waxaan ku talin lahaa inaan sharaxno Abdi Ismail oo ann wada dooranno 4 sano soo socota waxba inak dhibi maysee. Walaahay waa iga dhab. Qaabka aan u dooranayno waa mid cusub oo sahlan. Waxaa dooranaya baarlamaanada dowlad goboleedyada oo mid walba sanduuq la dhigo ay ku qoran yihiin magacyada kuwa is sharaxay ayagu iyo professor Abdi oo bulshada soomaaliyeed sharaxday.