Sirdoonka Maraykanka oo shaacinaya Xogta Dilkii Suxufi Jamal Khashoggi

Published: February 24, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa maanta oo Arbaca ah inuu xiriir dhanka Telefonka ah la sameeyo Boqorka Sacuudiga Salmaan, xili la filayo in dhawaan sirdoonka Maraykanka shaaciyo xogtii ay ka hayeen qaabkuu u dhacay dilkii Jamal Khashoggi.

Suxufi Jamal Khashoggi oo la shaqeyn jiray Jaraa’idka Washington Post ayaa bishii Oktoober 2018 lagu dilay Qunusliyada Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dilkan oo ay fuliyeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka iyo militariga Sacuudiga, ayaa la rumeysan yahay inuu amarkiisa bixiyey Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Sirdoonka Maraykanka CIA ayaa horey u hayey xog badan oo la xariirta qaabka dilkan u dhacay hase yeeshee lama shaacin maadaama xiligaasi uu xukunka hayey Madaxweynihii hore Donald Trump oo xiriir dhaw la lahaa Maxamed Bin Salmaan.

Trump ayaa marar dhawr ah asxaabtiisa si hoose ugu sheegay in uu xiligaasi badbaadiyey Maxamed Bin Salmaan.

Xiriirka Joe Biden la sameenayo Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa ah kii ugu horeeyey oo labada dhinac dhexmara tan iyo intuu xilka qabtay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, waxaana la sheegay in xiligan lagu soo beegay kahor intaan la shaacin warbixinta laga sugayo Sirdoonka Maraykanka.

Joe Biden ayaa intuu ololaha doorashada ku jiray balanqaaday inuu ka shaqeyn doono in xogta Maraykanka ka hayo dilkii Khashoggi la shaaciyo oo aan shacabka laga qarin.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *