Duqeyn lala beegsaday Xero Al Shabaab maleeshiyaadka ku tababaraan

Published: February 25, 2021

Wararka kasoo baxaya Jubaland saaka ayaa sheegaya in 15 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo laga fuliyay degaan qiyaastii 12km u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Duqeynta waxaa sidoo kale, lagu burburiyay saldhig maleeshiyada ay ku laheyd goobta la beegsaday, wararka kasoo baxaya deegaankaasi ayaa sheegaya in meydad iyo dhaawacyo badan la geeyay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Goobta la duqeeyay ayaa lagu sheegay in ay aheyd xero lagu tababarayay maleeshiyaadka loo diyaarinayo dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *