Germany oo Xabsi ku xukuntay Sarkaal ka tirsanaan jiray Sirdoonka Syria

Published: February 25, 2021

Maxkamada dalka Germany ayaa 4 sano iyo lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay Sarkaal horey uga tirsanaan jiray Hay’ada Sirdoonka Dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad oo lagu eedeeyey inuu shacabka jirdil u geystay.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Eyad al-Gharib ayaa ah 44 sano jir waxaana la sheegay inuu sirdoonka Siiriya u qaabilsanaa xariga shacabka ku mudahaaradayey Bashar Al Assad iyo jirdilka loo geystay dadka rayidka ah, banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimada Siiriya sanadkii 2011.

Sarkaalkan oo xilalka hoose ka hayey sirdoonka Bashar Al Assad ayaa lagu cadeeyey inuu kamid ahaa askartii dhibaateysay shacabka banaanbaxa ka dhigayey magaalada Duma oo 10km u jirta caasimada Siiriya, kuwaasi oo dhamaantood lagu xiray xabsiga lagu magacaabo Al-Khatib.

Waxaa iyaduna socota Maxkamadeynta eedaysane labaad oo isaguna ka tirsanaa ciidamada Siiriya kaasi oo lagu magacaabo Anwar Raslan oo ah 58 sano jir loo heysto dilka ugu yaraan 58 qof oo rayid ah iyo jirdilka in ka badan 4000 qof.

Dowlada Germany ayaa maxkamadeynta askartan kasoo jeeda dalka Siiriya u adeegsatay sharciga caalamiga ah oo u fasaxaya wadan walba inuu maxkamad soo taago qofkii lagu eedeeyo danbiyo-dagaal iyo xasuuq.

Qaxootiga reer Siiriya ee ku sugan dalalka Yurub ayaa dacwado kala duwan kusoo oogay qaar kamid ah dadka la aqoonsaday oo kamid ahaan jiray ciidamada Siiriya oo iyaguna qaxootinimo ku tagay dalalka Yurub, waxayna hada dacwado kala duwan ka socdaan wadamada Germany, France iyo Sweden.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *