Rooble oo dadaal ugu jira la kulanka Murashaxiinta Madaxweynaha

Published: February 25, 2021

Waxaa socda dadaalo ay wadaan hogaamiyayasha Galmudug iyo Hirshabelle oo gacan kasiinaya Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo codsaday inuu la kulmo Murashaxiinta Madaxweynaha ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo qorsheenaya inay qabtaan banaanbax looga soo horjeedo dowlada muddo xileedkeeda dhamaaday berri oo Jimce ah.

Xalay ayey magaalada Muqdisho ka dhaceen kulamo kala duwan oo dhexmaray Murashaxiinta & Siyaasiyiinta mucaaridka ah kuwaasi oo la sheegay inay aqbaleen la kulanka Raysalwasaarah xilgaarsiinta ah oo codsanaya in la baajiyo banaanbaxa la qorsheeyey.

Xukuumada wakhtigeedu dhamaaday ayaa sheegtay in aan la qaban karin wax banaanbax ah, iyadoo ay ciidamada dowlada rasaas la beegsadeen banaanbixii dhacay Jimcihii lasoo dhaafay 19kii Feberaayo.

Ciidamada dowlada ayaa sidoo kale weeraray Hotel Maida oo ay xiligaasi ku sugnaayeen Madaxweynayaashii hore Xassan Shiikh iyo Shiikh Shariif, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 5 askari oo afar kamid ah ka tirsan yihiin ciidamada Villa Soomaaliya ka amar qaata.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *