Biden oo Boqor Salman kala hadlay Xaquuqul Insaanka iyo Xaalada Yemen

Published: February 26, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa khamiistii shalay xiriirkii ugu horeeyey khadka telefoonka ah la sameeyey Boqorka Sacuudiga Salmaan oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal.

Biden ayaa sheegay in Maraykanka uu sii wadi doono taageerada uu Sacuudiga kasiiyo dhanka difaaca, wuxuuna Madaxweynaha Maraykanka soo dhaweeyey siideynta haweenka iyo dadka u dooda xaquuqul insaanka oo horey ugu jiray xabsiyda dalka Sacuudiga.

Maraykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Boqortooyada Sacuudiga iyo ay wadahadal ku dhameyso dagaalka ka socda wadanka Yemen, Joe Biden ayaa dhawaan shaaciyey inuu joojiyey taageeradii militari ee Maraykanka ku kabi jiray hawlgalada xulafada Sacuudiga ka wadaan dalka Yemen.

Xiriirka labada hogaamiye ayaa lagu soo beegay kahor intaan la shaacin Xogta Sirdoonka Maraykanka ka hayey dilkii Suxufi Jamal Khashoggi oo Sacuudiga ku dileen Qunsuliyadooda Istanbul sanadkii 2018. Arrintan oo laga yaabo inay dhaawacdo xiriirka labada dowladood.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *