Holland oo ku eedaysay CHINA xasuuqa Muslimiinta Xinjiang

Published: February 26, 2021

Baarlamaanka Holland ayaa ansixiyey mooshin lagu cambaareenayo Xasuuqa Xukuumada China ka wado gobalka Xinjiang ee lagu burburinayo qawmiyada Uighur ee ah muslimiinta dhulkaasi ku nool.

Waxaa todobaadkan sidoo kale go’aan noocaan ah kasoo baxay Baarlamaanka CANADA oo hawlaha China ka wado gobalka Xinjiang ku tilmaamay xasuuq.

Xisbiga garabka bidix ee D66 ayaa soo diyaariyey mooshinkaasi la ansixiyey, walow xisbi xaakimka VVD iyo Raysalwaasaraha dalkaasi Mark Rutte kasoo horjeedeen mooshinkan.

In ka badan 1 milyan oo muslimiinta reer Xinjiang ayuu shiinaha ku xareeyey xeryo gaar ah, waxaana la sheegay in dowlada China kusoo rogtay dadkaasi inaysan wax caruur ah dhali karin, iyadoo jirdil loo geysto muslimiinta lagu hayo xeryahaasi.

Dowlada China ayaa iska fogeysay eedaymahan iyadoo sheegtay inay la dagaalameyso argagaxiso oo ay ” dhaqan-celin” u sameynayso dadkaasi, waa siday hadalka u dhigtee.

Ururada u dooda xaquuqul Insaanka ee Caalamiga ah ayaa wada olole xoogan oo lagu cadaadinayo Beesha Caalamka inay go’aan adag ka qaadato caburinta lagu hayo muslimiinta China ee ku nool Xinjiang.

Waxaa sidoo kale socda olole kale oo la doonayo in lagu joojiyo ciyaaraha Caalamiga ah ee Winter Olympics oo la qorsheeyey in lagu qabto dalka China sanadka soo socda 2022.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *