Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay heshiiskii Murashaxiinta Muqdisho iyo XFS

Qoraal lagu daabacay barta Twitter xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskaas.

“…QM waxay si diiran u soo dhaweynaysaa heshiis ay wada gaareen Ra’isul wasaare Rooble, hogaamiyeyaasha Galmudug, Hirshabeele, Banaadir iyo Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha waa talaabo wanaagsan oo horey loo qaaday…”

Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale, sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskan danta u ah shacabka Muqdisho iyo Soomaaliya, waxayna dhinacyada ugu baaqeen in ay sii wadaan wada xaajoodka isla markaana qodobada harsan lagu xaliyo isu tanaasul iyo niyad wanaag.

Horseed Media