Raysal Wasaare Rooble Iyo Beesha Caalamka Oo Mar kale Ka Wada Hadlay Doorashada

Published: February 28, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qadka Internet-ka gaar ahaan aalada fogaan aragga ee ZOOM-ka kulan gaar ah kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020.

” Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo. Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo. “

Xafiiska Raysal wasaaraha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *