Akhriso: Magacyada Guddiga Baaritaan Ee Dhacdadii 19 Febraayo

Published: March 1, 2021

Shir u dhaxeeyey Raysal wasaare Rooble, Midowga musharaxiinta, Madaxweynaha Hirshabeele iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhammeystir u ahaa heshiiskii 25kii bishii febraayo, ayaa lagu magacaabay labo guddi oo hirgeliya waxa lagu heshiiyey.

Guddiyada oo ah kuwo isku dhaf ah oo ka kooban madaxda dowlada federaalka iyo midowga musharaxiinta, wuxuuna midkood ka shaqeyn doonaa sidii musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021 ee lagu weeraray madaxweynayaashii hore.

Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood:

1. Xasan Xundubay Jimcaale
2. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
4. Daahir Maxamuud Geelle
5. Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
6. Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)

Guddiga labaad ee baaraya dhacdooyinkii 19kii Febraayo:

1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
6. Xuseen Macalin Maxamuud

Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay guddiyadan isku dhafka ah ayaa kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *